Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwayne Farmaajo oo Lagu soo dhoweeyay Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta kasoo ambabaxay Muqdisho ayaa soo gaadhay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah waxa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Dhinaca kale Madaxwayne Farmaajo wuxuu inta uu ku suganyahay dalkan kulamo xog-wareysi ah la yeelan doonaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

Soomaalida ku dhaqan dalkaasi oo dhibaatooyin kala duwan loogu gaysto ayaa Filayaa inay Warbixin ka siiyaan Madaxwaynaha Xaaladooda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *