Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirkii Muqdisho oo Maanta mar kale u baaqday Madaxwayne Qoorqoor oo ka maqan

Shirka madada dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee Afisyoone ayaa mar kale maanta la hakad geliyey, ayada oo la sheegay inuu dib u furmi doono maalinta Arbacada ee berri ah.

Warkan ayaa waxaa shaaciyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Wuxuuna dib u dhigista dib u billaabashada shirka u sababeeyey maqnaanshaha madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalad Dhuusomareeb kadib 45 cisho uu joogay Muqdisho iyo Istanbul. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uusan 45 cisho oo xiriir ah ka badan ka maqnaan karin deegaanada gobolka.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey diiday Qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro.

Waxaa qodobadaas ka mid ah yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaadhiyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *