Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwayne Farmaajo oo Shir Cusub ugu yeedhay Hogaanka Maamulada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa markale iskugu yeedhay Madaxda Maamul gobaleedyada Soomaaliya, Shir ka dhici doona Teendhada Afisiyooni ee aaga Xerada Xalane, maalinta sabtida ah 3April.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Osmaan Abukar Dubbe oo wuxuu sheegay in shirkan looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya sidii loo dhamaystiri lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida oo bishu tahay 3da April 2021 Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *