Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxwayne Siciid DENI oo ka Qayb galay Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada iyo Arimaha uu ka hadlay

Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiiradda Puntland, iyadoo uu wehliyo madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee la doortay Axmed Cilmi Cismaan, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo kala wareegi lahaa.

Deni ayaa si deg deg ah u faray wasiirrada, guddoomiyaasha gobollada iyo agaasimayaasha guud inay dib ugu noqdaan shaqadda, si loo dardar-galiyo howlihii dowladda ay u haysay shacabka.

Madaxwayne deni ayaa xusay inuu Dhamaaday Wakhtigii ololaha iyo kala qaybsanaanta, loona gudbay wadajir, wada socod iyo shaqada dowladda. Sidoo kale waxa uu ka digay inan laga faa’ideysan waqtiga kala guurka, isagoo hay’adaha ammaanka iyo shacabka ka dalbaday in la ilaaliyo amniga guud iyo dowladnimadda

Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub oo bedelaya wasiirada hadda shaqeeya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *