Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha puntland mudane dani oo u ambabaxay magaalada qardho oo biyo qaadeen

Habeenimadii xalay waxaa magaalada Qardho ku soo dhacay biyo aad u badan kadib roob saacado badan qaatey oo ka da’ay nawaaxiga magaalada gaar ahaan dhanka galbeed ee magaalada.

Biyaha magaalada ku soo dhacay ayaa ahaa kuwii ugu xoog badnaa ee abid ku soo dhacay, waxaana ay gesyteen waxyeelo aad u badan.

Tirada dhimashada ayaa ilaa hadda kor u dhaafeysa 7 qof kuwaas oo u badan caruur iyo dumar, Waxaa isbitaalka buux dhaafiyey dad badan oo dadkoodi raadinaya kuwaas oo raq iyo ruuxba aan lahayn.

biyaha ayaa cagta mariyey Suuqa weyn ee magaalada, waxaana ku cayroobey ganacsato aad u badan.

Biyaha ayaa dumiyey guryo aad u badan, waxaana ay horey ula tageen gawaari badan.

maamulka degmada iyo booliska iyo dhalinyarada magaalada ayaa gurmad degdeg ah ilaa xalay fidinaayey,

Ilaa hadda maamulku ma soo sarin war sugan oo ku aadan khasaaraha dhacay waxaana socda ilaa hadda diiwaangelinta dadka ku waxyeeloobey biyaha magaalada ku soo dhacay.

Sidoo kale madaxweynaha puntland oo si degdega ugu ambabaxay magaalada Qardho ,si uu uga qaybqaato gurmadka degdeg ah ee looga baahan yahay magaaladaasi

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *