Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha somaliya oo markii uGu horeysey tegey xeryaha qaxooga somalida ee dalka kiiniya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegey xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Booqashadan Madaxweynaha  ayaa ah tii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago xerada qaxootiga Dhadhaab oo muddo 25 sano ay deganaayeen qaxooti Soomaaliyeed tan iyo 1991..

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya Mas’uuliyiinta Kenya ee ku sugan xeradaas iyo guddiyada qaxootiga iyo dadweynaha, isagoo u kuur galaya xaalada nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona magaalada Nairobi, halkaasoo maalinta berri uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa isla eegi doona arrinta ku saabsan dib u celinta qaxootiga, isla markaana dowladda Kenya ku adkeysaneyso inay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u sheegay in aysan suurta gal ahayn in si qasab ah lagu soo celiyo dadka Qaxootiga ah ee ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab ilaa dalka somaliya uu nabad noqonaayo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *