Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweyne Ku-xigeenka oo Garoowe Ka Furay Shir Looga Hadlayo Amniga Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furaya shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya oo dhan, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wasiiro ka socda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada kana socda magaalada Garoowe.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doona shirka, waxaana inta uu socdo diiradda la saaray xogaha dhanka Ammaanka ah iyo sidii Iskaashi dhameystiran loo sameyn lahaa.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga ee Soomaaliya oo madasha kusugan ayaa ka jeedin doono khudbad gaar ah oo ku saabsan ammaanka dalka iyo sidda ay wasaaraddiisu u doonayso in guul wanaagsan laga gaaro arrimaha ammaanka ee jira.

Leave a Reply

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *