Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan sheekh maxamud ayaa furay shirka madasha qaran

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga. Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha iyo hirgelinta heshiisyada.Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka oo noqday mid dowlada fedelka maarayn kari weydey ,salkana udhigi weydey siyaasad qeexan oo si habsami leh ay u fuliyaan dadka howshaasi mudan fulinteeda.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Shirkan oo la fiyaayo in ay harayso boobka ay wadaan xasan iyo maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii hanaanka doorashada iyo go’aankii Madaxweynaha uu todobaadkii hore ku meel mariyay hanaanka doorashooyinka, waxaana harsan qodobo qaar oo uu muran ka jiro, kaasoo Madaxda ay ka doodi doonaan.

Waxaa caado noqotay in madaxda iyo odayaasha magaalada muqdisho joogaa ay maalin kasta ku hanjabaan inaan Muqdisho la joogeyn hadaan waxa ay rabaan loo yeelin , Shirka maantana arinta haraynaysaa waa xeerka lagu dhiqi doono magaalada Muqdhisho.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *