Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maraykanka oo albaabada ka xirtay muwaadiniinta 26 dal oo Yurub ah ka dib xanuunka caalamka saameeyey

Aqalka Cad ayaa Arbacadii shaaciyey in muwaadiniinta aan Mareykanka aheyn loo ogolaan doonin inay ka safraan Yurub oo ay tagaan Mareykanka muddo 30 maalmood ah. Tilaabadaan ayaa ah isku day aan caadi aheyn oo lagu joojinayo faafitaanka coronavirus-ka cusub.

Balse waxaa laga reebay safarada boqortooyada Ingiriiska.
“Si looga ilaaliyo kiisaska cusub inay soo galaan xeebahayaga, waxaan joojin doonnaa safarka Yurub looga imaanayo ee lagu tagayo Mareykanka 30ka maalmood ee soo socota,” ayuu yidhi Mr Trump oo khudbad kooban ku sheegay.

Xeerkaan cusub ayaa dhaqan galaya jimcaha saqbadhka. Xayiraadaan waxaa lagu hagaajin doonaa iyada oo lagu saleynayo shuruudaha caafimaad ee Maraykanka. Xeerkaan ma qabanayo dadka Mareykanka ee maray baaritaano munaasib ah.

Laakiin Aqalka Cad ayaa markii dambe ku caddeeyay barta twitterka in xayiraadda ay quseyso oo keliya muwaadiniinta ajnabiga ah ee u safray mid ka mid ah 26 dal oo Yurub ah 14-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ku dhawaaqida ayaa timid ka dib markii Ururka Caafimaadka Adduunka uu Arbacadii shaaciyey in cudurka coronavirus ee ku faafaya adduunka oo dhan hadda lagu tilmaami karo inuu yahay masiibo.

Agaasimaha WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in WHO ay aad uga walaacsan tahay heerarka qaylo-dhaanta ee faafitaanka cudurka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *