Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Marwada Madaxwayne Farmaajo iyo Wafdi ka socda Soomaaliya oo ku sugan Uganda

 Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Saynab Cabdi Macalim iyo wafdi ay hogaamineyso oo uu kamid yahay Raysalwasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa booqasho ku jooga dalka Ugandha.

Wafdigan ayaa Arbacadii shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Ugandha, Yuweri Museveni. Waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka labada dal.

Yuweri Museveni ayaa sheegay in uu doonayo xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ugandha.

“Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida inay ka shaqeeyaan Midnimadooda oo ay iska daayaan khilaafka iyo Qabyaalada…” ayuu yidhi Madaxweynaha Ugandha mar uu shalay kulan yeeshay wafdiga ka socda Soomaaliya.

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan furitaanka Warshada Sonkorta ee Atiak oo maanta oo khamiis ah xariga laga jarayo.

Warshadan ayaa waxaa si wadajir ah u maalgeliyey shirkada Horyaal Investments Holding Company Ltd oo ay leedahay Dr. Amina Xirsi Mooge iyo Dowlada Ugandha.

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *