Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

masjid ku yaala magaalada beledweyne oo qarax lala beegsaday

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, 19 kalana way ku dhaawacmeen qarax xalay lagu weeraray masjid ku yaala xaafadda Siigaaloow ee degmada Beledweyne waqtigii cishaha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa khasaaraha sababay ee lala beegsaday masjidka, waxaana warar qaar sheegayaan in qaraxu ka dhashay bam gacanta lagu tuuray oo lala eegtay jameecada masjidka.

Illaa 17 ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne kuwaa oo xiligan lagu dabiibayo.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka gobolka qaraxa oo dhinaca kale aan la ogeyn cida ka danbeysan.

Ugu dameyn, Ma ahan markii ugu horeysay oo siddan oo kale weerar lagu qaado masjid, hasse yeeshee dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu khasaaraha badneyd waayadii ugu danbeeyay weerar lala eegtay goob lagu cibaadeysto.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *