Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Muqdisho : Xiliga Doorashada dalka iyo Qodobo kale oo Heshiis Gaadhay iyo Warbixin ku saabsan

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa isla fahmay xilliga doorashada iyo dhismaha guddiyada maamuli doona doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxda ayaa isla gartay qodob oo si cad u qeexaya jadwalka xulista xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxaana loo jaangooyey in Aqalka Sare doorashadiisa ay bilaabato 15-ka October lana soo afjaro 15-ka November.

Weli lama go’aamin xilliga doorashada Golaha Shacabka, maadaama ay ka dhib badan tahay kana muddo dheer tahay tan Aqalka Sare, waxaana socda wada-tashiga arrintaas la xidhiidha.

Waxaa la sheegay in is-faham laga gaadhay dhismaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Guddiga heer federaal iyo kan heer gobol ayaa wadajir uga shaqeyn doona doorashada.

Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Tirada xubnaha ayaan weli la go’aamin iyo sida loo kala helayo.

is-afgaradkaan dhexmaray labada dhinac wuxuu mugdiga ka saarayaa heshiiskii badhtamahii bishii lasoo dhaafay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa waxay meesha ka saari doonaa hadii ay Hirgasho Muddo kororsigii Looga Cabsi qabay Hay’adaha kala duwan ee Dawladda, waxaana ay ka dhigan tahay in Madaxwayne Farmaajo Muddo Xileedkiisa marka uu dhamaado uu dalku doorasho geli doono.

kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *