Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

puntland oo burcad badeedii dib ugu soo noqotay/markab sita calanka siiralanka oo lagu haysto puntland.

Iyadoo aaney dhowaanahan ka jirin dalka somaliya budhcad badeed ayaa waxaa hadda dib u soo noqotay in puntland lagu af duubto Maraakiibta iyadoo hadda lagu hayo markab Magaalada Caluula.

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka ku nool Degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa sheegay in dhalinyaro Kalluumeysato ah Markab ay soo Afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka fuushan yihiin ,islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaliya ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Arintan ayaa ku soo adaysa iyadoo Ciidamada la-dagaalanka Burcad badeeda ee ku sugan biyaha Dalka Soomaaliya ay sanadkii hore ku dhawaaqay inay joojiyeen howlgalada, ka dib markii ay sheegay in hoos u dhac uu ku yimid khatartii ka imaan jirtay kooxaha Burcad badeeda.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *