Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

qarax miino oo ka dhacay agagaarka boosaaso oo dhimasho iyo dhaawac keenay

labo askari ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii qarax miino lala eegtay gaari dagaal ay la socdeen Ciidamada Puntland oo marayay duleedka Boosaaso.

Waxaa la sheegay  sheegayaa in gaariga asi  ay la socdeen Ciidamada ka tirsan Puntland oo  ku socdey buuraha Galgala, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada daraawiishta Puntland.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa miino ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada askarta uu yahay mid culus.

Buuraha Galgala ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay dagaalo ku dhex marayay Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab, inkastoo ciidamada Puntland la wareegeen fariisimo dhowr ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen buuraha Galgala.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *