Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

QM Oo Dhinaysa Hawlgalada La Dagaalanka Budhcad Badeeda Soomaaliyeed

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday inuu wax waqti kordhin ah u sameeyo howlgalka la dagaallanka burcad badeedda iyo ka hortagga dhaca hubeysan ee badda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in howlgalka EU ATALANTA, uu sii wadi doono gudashada waajibaadyadiisa kale, sida bixinta adeegga Amni ee Galbeedka Badweynta Hindiya.

“Hawlgalka ATALANTA waxaa ka go’an ixtiraamka Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) wuxuuna sii wadi doonaa ka-hortagga burcad-badeedda ee badaha sare, ilaalinta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo maraakiibta kale ee nugul, ka hortagga ka ganacsiga daroogada, dhaqan gelinta cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo la socodka howlaha kale ee sharci darrada ah ee ka socda badda, sida dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha iyo la socodka kalluumeysiga sharci darrada ah” ayaa lagu yiri warsaxaafaddeedka Midowga Yurub.

Hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee midowga Yurub waa hawlgalkii ugu dheeraa ee 13kii sano ee la soo dhaafay ka socday badda Soomaaliya, waxaana midowga Yurub uu sheegay inuu ku guulaystay arrimahaan.

Qabashada 171 qof oo looga shakisan yahay burcad badeed iyo in ka badan 2.3 milyan oo tan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo ay lahayd WFP oo ay galbiyeen howlgalka EU NAVFOR ATALANTA.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *