Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raiisalwasaaraha somaliya cumar cabdirashiid oo maanta ka ambabaxay magaalada garoowe

Madaxda  Dawaladda Puntland oo uu hogaaminayo madaxwenahu  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku sii maca saalaameyey  garoonka diyaaradaha   ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiis Cali Sharma’arke iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee  Puntland u yimi xallinta khilaafkii u dhexeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirey arrimaha doorashooyinka 2016, isla markaana ku sugnaa caasimadda Puntland muddo.

Waxaa sagootintaa iyana ka qayb qaatay  Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka.

Shir jaraa’id oo ay garoonka diyaaradaha ku qabteen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadalkiisa ku sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii qaran ee uu Ra’iisul-wasaaruhu u yimi Puntland isla markaasina ay maanta meesha u yimaadeen Sagootintiisii oo keliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay heshiiskii taariikhiga ahaa ee  dhowaan dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa mid ummadda soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto isla markaana dhabbaha u xaadhaya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *