Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

R/wasaare Khayre oo Shir Xasaasi ah ku Qabtay Muqdisho iyo Arimaha looga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, oo looga hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, si guulo looga gaadho dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rejo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, Ayaa Labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaadhan ku sameysay ciidamada Qaranka, Arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.

Kalshaale

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *