Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

sadax qof oo ka tirsan hayadaha samafalka oo lagu af duubay gobolka gedo

Waxaa la sheegayaa Deegaanka Siidan oo ka tirsan Gobolka Gedo  oo 45 kiiloo mitir u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu Afduubtay Saddex Ruux oo u shaqeeya Hay’addo Gargaar oo ka howlgala Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Saddexda Ruux ee la afduubay ay u shaqeynayeen Hay’adda Bisha Cas iyo sidoo kale Hay’adda Samafal oo lagu Magacaaco Saado.

Goobjogayaal ayaa sheegay  in Dadka la Afduubtay lala aaday Deegaanka War-cad 100  KM u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay Maamulaan Al-shabaab.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Yuusuf Al-qaadi  Ee uu  Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dadka la Afduubtay ay Maalmahaan Gargaar ka qeybinayeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wali ma jirto Cid sheegatay in ay ka dambeyso Afduubka  Saddexda Ruux ee u shaqeeya Hay’addaha Samafalka ee Gobolka gedo .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *