Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka Somalia oo Maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabadsugida Qaranka oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi ayaa lagu dilay maanta walxaha qarxa oo loogu xiray gaarigiisa, iyadoo gaariga uu kula qarxay agagaarka isgoyska dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo noociisu ahaa Toyoto Carrib ayaa qarxay mar qura, iyadoo markiiba ay goobta soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo waddada xiray, goobtaasna ka qaaday sarkaalka oo dhaawac ah, laakiinse markii dambe ayuu ku geeriyooday Isbitaalka.

“Mar qura ayaa waxaa qarxay gaari ka mid ah kuwii waddada marayay, darwalkii gaariga watay ayay waxyeello xooggan kasoo gaartay. Runtii aad ayaan u naxay markii aan qaraxa maqlay, waayo markaas ayaana waddada soo istaagay si aan gaari u raaco,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, gaariga ayaa waxaa gaaray burbur xooggan, waxaana baabuurkii meeshii uu ku qarxay ciidamada dowladda Somalia, iyadoo xilligaas ay waddada xirnayd, gaadiidka iyo dadkana loo diiday inay maraan.

Waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa dib loo furay saacad kaddib, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudaheed ah.

Hay’adaha ammaanka dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay sarkaalka ka tirsan nabadsugidda Somalia, iyadoo dhanka kalena aysan jirin cid sheegatay weerarkan iyo sababta sarkaalkan loo beegsaday midna.

Ugu dambeyn, magaalada Muqdisho oo qaraxyadu ay ku yaraadeen ayaa waxay mar kale u muuqataa inay qaraxyadu dib ugu soo laabanayaan, xilli guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu sheegeen dhawaan inay xoojinayaan amniga caasimada.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *