Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: Puntland oo sheegtay inay Burburisay Saldhigyo Alshabaab lahayd

Ciidamada amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay  inay burburiyeen godad ay alshabaab ku kaydsan jireen rasaasta iyo raashinka ee buurlayda Calmadow ee Puntland.

Qoraalka waxay ku sheegeen in ciidamadu ay 27ka bishan June howlgalo ka sameeyeen degaanada Dhagaxdhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow.

“Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab” ayaa lagu yidhi qoraalka

“Sidoo kale, ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow”

Ciidamada PSF oo soo bandhigay sawiro muujinaya howlgalka ay sameeyeen ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay sii wadaan hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Qoraalka PSF laguma sheegin in dagaal uu dhexmaray iyaga iyo alshabaab intii uu socday howlgalku, sidoo kale ma sheegin inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay howlgalkaasi ay sameeyeen.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *