Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sawirro: R/wasaare Khayre oo la kulmay qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed

14 Feb 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku saabsan.

Ra’iisul wasaaraha iyo  Ganacsatada ayaa kawada hadlay arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali kheyre waxaa la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kawada hadalnay Bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin , waana muwaadiniin kasoo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

6

6a

6a1

6a2

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *