Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: SWDC oo Xustay maalinta Xaquuqul Insaanka soona bandhigtay dad lagu Xad-gudbay

Maanta oo kale, 10-ka bisha December waxay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha Dunida, waxaana xaflad lagu xusayay maalintan oo ay soo qabanqaabiyay xarunta Somali Women Developments Center lagu qabtay Muqdisho.

Xuskan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xubno ka socday garsoorka, saraakiisha ka tirsan booliiska, qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culummada, aqoonyahano, xisbiyada siyaasada, madaxda SWDC, haween iyo dhallinyaro.

Sahro Maxamed Axmed oo ah la taliyaha dhanka sharciga ee Xarunta SWDC; iyadoo ku dheeraatay sannadkii tagay wixii xad-gudub ahaa ee dalka ka dhacay; waxayna sheegtay in sannadkaas ay dhaceen xad-gudubyo isugu jira; dil, kufsi, isku-day kufsi, hanjabaad, xarig iyo wixii la mid ah, iyadoo xustay in xad-gudubyadaas ay xaruntu diiwaan-gelisay.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay culummaa’uddiin; iyagoo yiri. “Ummadihii hore wuxu ALLE ku halaagey xad-gudubyo ay geysteen, marka xad-gudubyadaas kuwa la midka ah waxay ka dhaceen dalkeenna, waana in bulshada ay u is-taagto sidii looga hortagi lahaa xad-gudubyadaas oo ka dhanka ah diinta Islaamka.”

Intii ay munaasbaddu socotay waxaa ka hadlay dhibbanayaal ay xaruntu soo bandhigtay; kuwaasoo sheegay in guryo iyo hanti kale xoog looa haysto; iyagoo ka dalbaday hay’adaha garsoorka dalka in dib loogu soo celiyo guryahooda oo ay sheegeen in muddo dheer laga haystay; balse xubnihi ka socday garsoorka DF ayaa waxay halkaas ka ballan-qaadeen inay dadaal u geli doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa hantida ka maqan.

Dhanka kale, waxaa xuska ka hadlay xubno ka socdey Garsoorka dalka iyagoo yiri. “Ma jiraan wax dacwd ah oo ay noosoo gudbiyeen dadkii halkaas ka hadlay ee dhibbanayasha ahaa; hase yeeshee waxaan ballan-qaadaynaa inaanu cadaaladda hor-keenno kuwa xoogga ku haysta guryaha iyo kuwa kala ee iyana jir-dilka geystay.“

Xoghayaha xisbiga Daljir, Axmed Macalin Fiqi oo wuxuuna isagana yiri. “Ugu horreyntii waxaan u mahad-celinayaa Xarunta SWDC marka xiga waxaanan Garsoorka uga baahanay inay noo sheegeen habka qofka mawaadinka ah oo aan awoodin inuu dacwad-furto uu ku gaari karo laamaha Garsoorka si loo qaado dacwadiisa uuna u helo xaquuqda ka maqan.“

Ugu dambeyn, waxaa halkaas ka hadashay wasiiradda haweenka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samater oo u mahad-celisey xarunta SWDC oo ay sheegtay inay wax badan ka qabatey xad-gudubyada xaquuqda aadanaha ah ee dhacay, gaar ahaan Haweenka; waxayna ugu baaqday xarunta inay xoojiyaan sidii looga hor-tagi lahaa in dalka ay ka dhacaan xad-gudubyada.

“Maanta waxaa loo dabaal-dagayaa maalinta caalamiga ah ee xaquuqul insaanka, iyadoo sannadkii tagay waddankeenna ay ka dhaceen xad-gudubyo ka dhan ah xaquuqda insaanka, sidaa darteed dowladda federaalka Soomaaliya waxay ballan-qaadeysaa in ka shaqeynayso sidii loo joojin lahaa xad-gudubyadaas,” ayay hadalkeeda ku dartay Sahro Samatar.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *