Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sh. Shariif iyo Xasan Sheikh oo Rooble ku garab istaagay Xiisada Kala dhaxaysa MD. Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

 Dhinaca kale Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sh. Axmed  ayaa is garab taag u muujiyay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadanaa mas’uuliyaddiisa dhanka hagida maamulka dowladnimo ee marxalada kala guurka ah.

Waxayna Arintan kusoo aadaysaa iyadoo Xiisad u dhaxayso Ra’iisul Wasaaraha  Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxwayne ya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa ku amray hay’adaha dowladda inaysan gelin wax heshiisyo ah, hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in awoodaha fulinta ay leedahay xukuumadda.

Waxayna Arintan kusoo beegmaysaa xili ay magaalada Muqdisho booqasho ku timid wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxayna salka ku hayaan haddii xukuumadda ay heshiis gali karto xilliyada doorashada iyo haddii kale.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *