Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii golaha wadatashiga dowlad goboleedada oo war murtiyeed laga soo saaray

32c1b2 ( Puntlandes) Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha waxay kaga hadleen arrimaha amniga, siyaasadda federaaleynta iyo arrimo kale.

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo arko in dowladda dhinac la safatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Akhriso Warmurtiyeedka
20180516_150107

20180516_150205

20180516_150136
Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *