Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ururo u dooda Xuquuqda Dumarka iyo Caruurta Somalia oo Xusay Maalinta Xuquuqul Insaanka

Urur u dooda Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaalyeed ayaa maanta Muqdisho ku qabtay xaflad lagu xusayay 10-ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday ururrada daryeela carruurta oo uu ka mid yahay mid ay dhawaan Muqdisho ka hir-gelisay Marwada Madaxweynaha Somalia, Sahro Cumar Xasan.

Xubnihii ka hadlay xuskaan ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimadda ay leedahay in la dhowro xuquuqda aadanaha; iyagoo si isku mid ah u xusay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan inay lagama maarmaan tahay in laga shaqeeyo horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Wakiilka marwada madaxweynaha, Xaliimo Cabdulle Cali oo oo hadal ka jeedisay xuska ayaa ka warbixisay carruurta ay hayaan iyo qaabka ay ku nool yihiin, iyadoo ku boorrisay dadkii xuska kasoo qaybgalay inay wax ka qabtaan xaalada ay ku nool yihin hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, carruurtii darbi-jiifka ahaa ee dhaqan-cilinta loogu sameeyay xarunta daryeelka caruurta ee Maama Sahra Charity ayaa dhankdooda ka hadlay, farqiga u dhexeeya nolashii darbi-jiifnimada iyo tan hadda ay ku nool yihiin oo ah inay helaan hoy wanaagsan, cunno iyo daryeel caafimaada, ayaa xusay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin nolosha ay hadad ku nool yihiin.

Dhanka kale, Caasho Ibraahim Xaaji oo ku hadashay magaca ururkii xuska soo agaasimay ayaa sheegtay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay fah-maan muhiimadda ay leedahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Ugu dambeyn, Sannadkii 1948-kii ayay ahayd markii maalinta caalamiga ah ee Xaquuqul Aadanaha loo asteeyay `10-ka December; waxaana si isku mid ah looga xusayo Maalinta dhammaan dalalka calaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *