Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

warsaxaafadeed ay ka soo saartay dowlada federalku xariga mukhtar roobow oo hada ku xiran magaalada muqdisho

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:-

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Roobow “Inuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed”

Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.”

Akhriso qoraalka ay dawlada Federaalku ka soo saartay Musharax Sheekh Mukhtaar

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *