Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasaaradda arimaha gudaha ayaa qaban qaabisay shir looga hadlaayo siyaasadda jinsiyadda somalinimada

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maantay daah furtay shir socan doona sedex maalmood oo looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Qabya Qoraalka Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qeyb galeen 200 ergo oo ka kala socday Dowlad Goboleedyada, maamul-goboleedyada, bulshada rayidka iyo hay’adaha federaalka.

Kulankan oo maanta ka dhacay Hotelka City Palace ayaa xubnaha ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Culumaa’udiin ka socday Hey’adda Culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda shirka iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa sharciyadii dalka ee waqtiyada kala duwana lasameeyay sida Dastuurkii 1960, Sharciga Jinsiyadda ee 1962, Xeer madaxweyne ee 1984 iyo Dastuurka Ku meel gaarka ah 2012.

“Sharcigan wuxuu laf-dhabar u yahay hanaanka aan dooneyno inaan ku talaabsano, oo ah sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorosho toos ah “ qof iyo cod”, hagaajinta amniga, tirakoobka dadka iyo aqoonsiga muwaadinka” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan.

Wadatashigan ayaa waxaa door buuxa ka qaadan doona ka-soo-qeybgalayaasha, kuwaas oo looga fadhiyo in ay soo jeediyaan tallooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan dhameystirka hindise sharciyeedka.. Tallooyinka ka soo baxa wadatashigaan ayaa waxay qeyb dhaxalgal ah ka noqon doonaan  hindise sharciyeedkan.

Wasaaradda ayaa waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsaha badan ay u gudbiso xeerkan oo dhamaystiran golaha Wasiiradda, ka hor intaan loo gudbin Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxa kale oo hoosta laga xariiqay sidii loo soo dhameystiri lahaa shuruucda kale ee loo baahan yahay, sida federaaleynta, doorashooyinka iyo xeerarka aassaasiga u ah sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni siyaasaddeed, nabad iyo horumar waara.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *