Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirkii hore arimaha gudaha c/qaadir cali cumar ayaa ku ee deeyey madaxtooyadu iney iska hor taagtey tartanka doorashada

Siyaasiga C/qaadir Cali Cumar horeyna wasiirka arrimaha gudaha uga soo noqday dowladdii KMG ee Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in leyska hortaagay doorashada ka socta magaalada Cadaado, kaddib markii isaga iyo ergadiisa loo diiday in ay ka qeyb-gallaan doorashada.

Gaar ahaan C/qaadir Cali Cumar ayaa arintan ku eedeyay in uu ka danbeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

“Muddo dheer ayaa laga shaqeynayay siddii ergada is badal loogu sameyn lahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale oo been abuur ah, hadii meesha wax doorasho ah  oolin oo ku shubasho ay jirto, waa in aan bulshada loo sheegin in doorasho meesha ka socto “ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in ay jiraan awaamiir ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya oo ay fulineyso sidda uu hadalka u dhigay Galmudug.

”Galmudug waxaa ay fulineysaa awaamiir ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya oo ah in aan ku soo bixin doorashada oo leyga hor istaago” ayuu hadalkiis sii raacyay C/qaadir Cali Cumar.

Eedeymaha ku saabsan musuq maasuqa doorashada guud ahaan ka socta dalka ayaa maalmihii ugu danbeeyay siweyn u sii kordhayay, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo arintan ay ka soo saartay madaxtooyada Soomaaliya oo inta badan eedeymaha soo baxaya loo jeedinayo.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *