Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirkii hore ee waxbarashada puntland Cali Xaaji ayaa ka hadlay gudiga doorashada puntland

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweeyey guddiga Doorashooyinka ee Puntland, taas oo ay dhiseen Madaxtooyada & Baarlamaanku, wuxuuna sheegay in ay tahay talaabo xili wanaagsan la qaaday.In kasta oo ay ahayd in la dhiso gudigan madaxa banaan sanadkii ugu horeeyey dowladda,hadda waxaa dhamaaday labo sano ,waxa harayna waa inta sanadkan ka haray iyo sanadka dambe, horay ayey dowladdu sharciga ay gudigani ku shaqayn doonaan u meel mariyeen baarlamaankuna u meelmariyeen waana arin xusid mudan oo ahay guul lagu faani karo oo la gaadhey waqti hore  wuxuuna sharcigani caawinayaa gudiga cusub oo shaqa diyaara la kulmaya sharcigaasoo  u fududaynaya iney shaqadooda gutaan.

Dr Cali ayaa sheegay in Puntland wax badan oo horumar ah ay ku siyaadinayso arrimahan, isagoo sheegay in xiliga lagu soo beegay uu yahay mid muujinaya kaalinta Puntland ay ku leedahay horumarka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ayaa kula taliyey dawladda Puntland in ay dadaal u gasho sidii loo soo celin lahaa dhaqaalihii loogu talagalay Dimuquraadiyada Puntland oo ay Beesha Caalamku horey ugu weeciyeen meelo kale oo Soomaaliya ah.waana in dowladdu u howl gashaa iney sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyaa sidii dhaqaalahaasi loo heli lahaa.

 

 

 

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *