Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waxkabedel aan laysku raacsanayn oo baarlamaanku ku sameeyey heshiiskii madasha qaran

Guddoonka baarlamaanka Faderaalka ayaa la xaqiijiyey in ay wax badan ka bedeleen Heshiisyadii horey loogu heshiiyey ee ku aadanaa arrimaha doorashada Soomaaliya, gaar ahaana labadii heshiis ee la gaaray bishii April, kuwaas oo qeexayey hanaanka doorashada dalka.

Qodobada la bedelay ayaa kala ah

  • Sidda loo xulayo baarlamaanka cusub ee imaan doona, oo wax badan laga bedelay.
  • Hanaanka doorashadan ay noqonayso oo ayana qodobada qaarkood aad loo taabtay.
  • Maqaamka Caasumadda Soomaaliya iyo gobalka Banaadir oo meesha lagu soo daray
  • Aqalka Sarre ayaa ayana sidda ay ku imaanayaan ay ka mid dhigeen dhinaca Odayaasha dhaqanka
  • Halka doorashadan ay ka dhacayso ayaa iyana wax badan laga bedelay.
  • In aan la burburin Guddiyadii ay horey u ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin guddiga doorashada Soomaaliya.

Mudane katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa sheegay in qodobada wax laga bedelay ay ahaayeen kuwa horey ay uga soo horjeedeen Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Saaxiibadiisa Siyaasadeed.

warkan waxaan ka soo qaadanay sahalnews

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *