Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Weeararka Qarax miino ah oo Taliyaha Ciidamada Dhulka somaliya ka Badbaaday

Wararka ka imanaya deegaanka Hareeridheere oo dhowaan laga saaray maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidamada Dhulka General Maxamed Tahliil Biixi.

 Qaraxan miinada ah ayaa la sheegay inuu ka badbaaday General Biixi balse waxaa ku dhintey mid ka mid ah ciidamada dowlada halka ay shan kale ku dhaawacmeen.

Kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday deeganka Qeycad ee gobolka Mudug oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Biixi ayaa ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa howlgalo ay ciidamada dowlada iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ka wadaan Koofurta gobolka Mudug.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *