Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

weerar loo adeegsaday qarax aad u weyn ayaa lagu qaaday ciidamada jabuuti ee magaalada beledweyne

 

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ahaa(U D), kaasoo lagu dhuftay  afaafka hore ee saldhiga ciidamada, wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga dusha laga soo saaray balka galeyda.

Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee galbeedka magaalada Beledweyn ayaa u dhow suuq xoolaha lagu iibiyo, waxaana la sheegayaa in qaraxa uu saameeyay dad ku ganacsanayay suuqa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dad badan oo isugu jira askar iyo shacaba ay ku dhinteen qaraxa, halka tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ayaa gebi ahaanba xanibay isu socodka magaalada Beledweyn, iyagoo isku gedaamay saldhiga weerarka lala beegsaday.

Khasaare aad u badan ayuu qaraxa u geystay dhul ballaaran oo ku yaalla saldhiga iyo goobaha ka ag dhow.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta ahaa, waxaana Idaacada Al Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ay sheegtay in 17 askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti lagu dilay weerarkaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, oo ku aadan weerarka ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ku lahaayeen galbeedka Beledweyn.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *