Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xaaf oo Doorashada Galmudug iyo Dib u heshiisiinta ku Wareejiyey Wasaarada Arimaha Gudaha Dawladda Soomaliya

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug  ayaa is bedel xooggan ay ku yimaadeen mowqifkiisa ku wajahnaa arrimaha cakiran ee ka taagan Galmudug, isagoo markii u horeysay u ogolaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka inay hoggaamiso geeddi socodka Dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa Xeer uu soo saaray ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug iyo markii uu tixgeliyay Xaalada cakiran ee ka taagan Galmudug uu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug uu u wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ku wargeliyay dhammaan hey’addaha kala duwan ee Galmudug ay sii wataan waajibaadka ay u hayaan bulshada reer Galmudug, inta laga soo dhisayo dowlad cusub.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Xaaf uu aqbalay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay mas’uul ka noqoto wixii hadda ka dambeeya howlaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ee la filayo in dhowaan la bilaabo.

Xeerkan uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa ku soo aaday maalin ka hor xilliga ay ku egtahay muddo xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ku eg 4-ta July 2019 oo ku beegan maalinta berri.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *