Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xaaf oo War yaab leh kasoo Saaray Khilaafka Somalia Iyo Kenya !

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inuu ku baaqay Kulan looga wada xaajoonayo Xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kiinya.

Wargeyska  Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa soo xigtay War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo uu ku eedeeyey inay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre inay waxyeeleynayaan xidhiidhka soo-jireenka ee u shexeeya Somalia iyo Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inuu Madaxweynaha Galmudug ugu baaqay dalalka deriska yo saaxiibadda kale inay muhiimadda koowaad siiyaan Danaha dadka Soomaalida iyo inay joojiyaan falalka wax loogu dhimayo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Dadka Gobalka.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa dhowaan gaadhay magaalada Nairobi, wuxuuna safarkiisu kusoo aadayaa iyadoo Soomaaliya iyo Kenya uu Khilaaf u dhexeeyo, Waxaana maamulada lagu dhaliilaa dhabar-jebin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *