Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan dhuxulow ayaa afur siiyey arday iskuul ay dhigtaan arday indhoolayaal ah

dhuMaalintii uGu horeysey ee bishan Ramadaan ayaa Xildibaan Mustafa sheikh Ali   Dhuxulow afur siiyey Arday dhigata Iskuul wax lagu baro ardayda indhoolayaashu .Maamulaha Iskuulka Indhoolayaasha  Ustaad Abiikar ayaa uga mahadceliyey xildhibaanka afurinta uu u sameeyey maalinta koobaad ee Ramadaanka, waxa uu sheegay in tani ay daliil u tahay sida xildhibaanka uu u gutay waajibaadkiisa Qaranka iyo midkiisa gaarka ah, loona baahan yahay in masuuliyiinta, ganacstada iyo dadka qurba-joogta ah in ay sidaan oo kale u caawiyaan masaakiinta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Qaar ka mid ah ardeyda aragga la’ ayaa u duceeyey Xildhibaan Mustafa, iyagoo sheegay in mar walba ay ku xasuustaan sida uu u caawiyo, masuul walbana sidaan oo kale looga baahan yahay in uu guto waajibaadka saaran.

Ugu dambeyn Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in afurintaan ay tahay waajibaad uu ALLE saaray, balse muhiimaddu ay tahay in dadka ILAAHAY hantida siiyay in ay bulshada kuwa liita u gar gaaraan, isagoo ugu baaqay ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb-qaataan sidii loo caawin lahaa masaakiinta bisha Ramadaan, islamarkaana  uu ku dadaali doono sidii uu ugu ololeyn lahaa u gargaaridda shacabka tabaaleysan, waxa uu intaa raaciyey in dadka abaaraha iyo fatahaadaha ay saameeyeem laga qeyb-galo gurmadka ay u baahan yihiin, isla markaana aan la ilaawin waajibaadka na saaran bisha Ramadaan

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *