Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xukuumada Somaliland oo Maanta ka hadashay nin Ethiopian ah oo dhawaan lagu dilay Hargeysa

Xukuumadda Somaliland ayaa ka Hadashay Nin u dhashay dalka Itoobiya oo dhawaan lagu dilay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka amniga Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahintu ay wax ka waydiisay ninkan Itoobiyaan ah ee la dilay ayaa la sheegay in dad loo qabaqabtay dilka ninkan, isla markaana wali lagu jiro baaritaanka dilkiisa.

“Arrintan waa arrin baaritaankeeda gacanta lagu hayo, wuxuuna jiraa ninka la dilay. Ciddii dishayna waa la hayaa tiro badan oo dad ah. Waxayna arrintaani maraysaa waddadeeda iyo baaritaankeeduna waanu ku jirnaa; dad caddeymo lagu hayaana way jiraan, wax tuhun lagu hayana way jiraan,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay ruuxaan Itoobiyaan ah ee Hargeysa lagu dilay.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka amniga Somaliland  oo la waydiiyey cidda lagu tuhmayo in ay dilka ninkaas ka dambeyso, ayaa ku jawaabay. “ONLF, Al-shabaab iyo inkaar qabe oo dhan way geysan karaan. Ninka dambiga samaynayana meel walba ayuu ka gaysan karaa. Addis Ababa ayuu ku gaysan karaa, New York ayuu ka gaysan karaa Hargeysana wuu ka gaysan karaa.”

Ugu dambeyn, Ruuxaan Itoobiyaanka ah ee la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka dalka Itoobiya, waxayna wararku sheegayaan in dilkaas ay ka dambaysay jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya, inkastoo wali war rasmi ah aan laga soo saarin dilkiisa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *