Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Hambalyo/ dadweynaha somaliyeed ee ku midoobey golaha1960 oo u aqoonsaday yihiin shacabka iyo maamulka puntland iney yihiin kuwo gutay waajibaad somalinimo sanadkii 2017kii.

(Golaha1960)  Doorashadan oo ay ka qayb galeen dadweynaha Somaliyeed ee mambarka ka ah iyo kuwa aan mambarka ka ahayn ee dhegeysta Golaha1960 .golaha codka shacabka somaliyeed. Doorashadaasi oo lagu dooranayey ciddii wax muuqda oo caawimo ah ama waxqabad dhab ah  u qabtay ummada somaliyeed .iyadoo dhoorashadaasi lagu tartansiiyey   SIDA SHAKHSIYAADKA,URURADA,SIYAASIYIINTA.MADAXDA MAAMULADA,MADAXDA DOWLADA FEDERALKA IYO SHACABKA SOMALIYEED MEEL KASTA OO AY KU NOOL YIHIIN.

Dadweynihii ka qayb qaatay DOORASHADAASI   waxay isku raaceen in SHACABKA PUNTLAND IYO MAAMULKOODU iney yihiin kuwo u guntadey samata bixintii dadkii somaliyeed ee ay ku dhacday ABAARTII SIMA    ee ka dhacday dalka somaliya intiisa badan .Taasoo shacabka reer puntland ee jooga dalka dibadiisa iyo dalka gudihiisuba ay u gurmadeen dadkii somaliyeed ee isugu yimid gobolada puntland,kana haqab tiray biyo , hu’ iyo cuntaba intii awoodooda ahayd iyagoon u kala harin ganacsato,arday ciidan ,shaqaale,qurba joog,maamul iyo shacabka dagan dhamaan gobolada puntland.

Sidoo kale iyagoo isku duuban shacab iyo maamulba waxay ka qayb qaateen masiibadii ka dhacday 14/10/2017 magaalada muqdisho isgooska SOOBE.Gurmadkii loo sameeyey waxay kaga qayb galeen DAWOOYIN ,DHAKHAATIIR IYO LACAGBA intii karaankooda ahayd.

Ka qayb qaadashadii Abaartii Sima,Gurmadkii Masiibadii SOOBE iyo iyagoo hoy u noqday dad somaliyeed oo aad u fara badan oo u soo barakacay gobolada Puntland kuwaasoo ka helay hoy ,nabad iyo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *