mukhtaar roobow ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada baydhabo
| Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa ka degtay diyaar gaar ah oo siday wafdi uu horkacayay Mukhtaar Rooboow Cali oo ka tirsanaan jiray hogaanka sare ee Al-shabaab laakiin markii danbe sheegay in uu isaga baxay.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana garoonka ku soo dhaweeyay wafdiga Rooboow mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Socdaalkiisa magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo ka raacay magaalada Muqdisho.
Mukhtaar Rooboow ayaa markii uu isaga baxay Al-shabaab waxaa uu deegaanno ka tirsan gobolka Bakool uu kula dagaalamay xoogag ka tirsan Al-shabaab, isaga oo markii danbe isku soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo cambaareeyay falalka Al-shabaab ay kula dhaqmeen bulshada Soomaaliyeed.