Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Billow Kerow iyo xildhibaanno kale oo loo xiray arimo la xiriira qubuurihii laga helay Mandheera

Senator-ka magaalada Mandheera, Billoow Aadan Kerrow iyo saddex xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha laga soo doortay gobolkaas, ayaa la sheegay in lagu xiray Magaalada Nairobi xilli ay ka soo laabteen magaalada Mandheera.

Afartaan mas’uul, ayaa xarigooda lagu sheegay inuu la xiriiro sheegidda xabaalo wadareed dhawaan la Tilmaamay in laga helay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, laakiinse ay markii dambe Ciidamada Bilaysku sheegeen in wax Meydad ah aanan laga helin markii la qoday.

ciidamada booliiska Nairobi, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Flying Squad-ka, ayaa xiray mas’uuliyiintan xilli ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi, iyagoo ka soo laabtay magaalada Mandheera.

Booliiska, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labo ka mid ah saddexda xildhibaan ee la xiray ay yihiin xildhibaanada laga soo kala doortay galbeedka iyo bariga magaalada Mandheera.

Wararka ayaa intaa ku daraayo in mas’uuliyiintan la geeyay xarunta dambi-barista Nairobi, si su’aalo looga weydiiyo hadalo ay horay u sheegeen oo ku saabsanaa xabaal-wadareed-yadii Mandheera lagu sheegay, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in maanta galinka dambe laga yaabo in Senator-ka uu ka soo hor-muuqdo Maxkamad.

Xarigaan ayaa ku soo beegmaayo iyadoo dhawaan uu Senator Billow Kerow raalli-galin ka bixiyay hadalo uu ka sheegay Xabaalo wadareedyo labo maalin ka hor lgaa sheegay in lagu arkay duleedka Magaalada Mandheera ee Gobalka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *