Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gudaha u galay Garoonka Kismaayo iyo Taliyaha AMISOM oo ka degay

( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in gaadiidka Ciidamada itoobiya ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha,  balse inay  gebi ahaanba la wareegi doonaan  gacan kuhaynta garoonka Kismaayo.

Dhinaca kale  Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma, Islamarkaana Asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ticabu Yilma oo wata ciidamo gaar ah ayaa ka dagay barqanimadii maanta gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Taliyaha oo hoggaaminayo saraakiil kale ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, iyagoo haatan kulan xasaasi ah la qaadanaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankan oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay AMISOM ula wareegi laheyd amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wafdigan ayaa kulamo la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada, iyadoo weli ay taagan yihiin cabaqado waa weyn oo u baahan in xal laga gaaro, ka hor doorashadaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *