Dhegeyso: Aqoonyahan Faysal Rooble oo Golaha 1960 uga warramay shirkii Jabuuti iyo…
|
Aqoonyahan Dr. Faysal Cabdi Rooble, ahna siyaasi si qota dheer uga hadla siyaasadda Soomaaliya, ayaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Golaha 1960 uga warramay shirkii dhowaan Dawladda Fadaraalka iyo xubnaha dawlad goboleedyada ku dhex maray caasimadda Jabbuuti. Shirkaas ayuu Dr. Faysal ku sheegay mid lagu gorfaynayey ‘arrimaha fadaraalka,’ iyadoo sida uu sheegay ay biya kama dhibcaan noqotay in fadaraalka hab socodkiisa halkaa laga sii ambaqaado.
Faysal ayaa wuxu ka hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan siyaasadda dawladda fadaraalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey hoggaan xumo ka jirta kuraasta dalka ugu sarraysa oo ay hagayaan shakhsiyaad muwaaddinnimadu ku yar tahay. Wuxu kaloo ka hadlay arrimaha khuseeya musuqmaasuqa baahay ee aafeeyey hay’adaha DFS.
Wuxu qayladhaan ka muujiyey heshiis Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan la saxiixday dawladda Sucuudiga, heshiiskaas oo daarranaa in dumar Soomaaliyeed oo qabta shaqooyinka hoose dalka Sucuudiga la geyn doono. Faysal ayaa yiri, “in dumar soomaaliyeed loo diro Sucuudiga oo ay ka shaqaystaan dhib ma lahaateen, haddii xaquuqdoodu tahay mid sharci ilaaliya ku salaysan, laakiin sida wax loo wado waxa dhici karta in gabdhaha soomaaliyeed karaamadooda ku waayaan ayna mutaan faraxumayn iyo hagardaamayn sidii lagula kacay dumar ka soo jeedey Bangaladish, Ethiopia, Philiphines, iyo kuwa kale,” ayuu yiri Faysal.
inta aan arakayey Faisal roble , waxa aqoonyahan daacad ah somalina la raba dowlad dadka u adeegta oo lala xisaabtami karo, waana nin runtii somali ka faa ideysan karto khibradiisa, waxan bogaadin u dirayaa golaha 1960 iyo aqoonyahanka fiasal roble oon marnaba ka daalin qadiyada somaliyed
Gen. Gabre ma joogay shirka
Qodobo. Wanaagsan. Ayuu soo bandhigay aqoon yahanku. Falankhayntuna. Waa muhiim waana ku mahahdinaynaa. Gohala.1960 information uu noosoo gudbiyay