Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudiga Doorashada Heer Federaal ee Somaliland oo Muqdisho ku doortay Laba Gudoon

Xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub.

7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta r la safan Cabdi Xaashi ayaa hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *