Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maamullada Somaliland iyo Puntland oo eedeymo isku mariyay Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta

Maamulka Puntland ayaa digniin ka bixisay isku-day ay sheegtay in Somaliland ay ku doonayso inay shidaal uga baarto deegaanka Holhol oo ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay hadalkan isagoo dalka Maraykanka ku sugan, wuxuuna xusay in Somaliland ay qaadan doonto cawaaqib-xumada ka dhalata haddii ay isku-daydo inay shidaal ka baarto deegaanka Holhol.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa digniin u diray shirkad qaandaraas ku qaadatay inay sahmin shidaal ka sameyso gobolka Sool, wuxuuna sheegay wixii kasoo gaara inay iyagu mas’uul ka yihiin, haddii aysan joojin shaqada ay faraha kula jiraan.

Dhanka kale Axmed Karaash ayaa sheegay in deegaanka Holhol uu Puntland ka tirsan yahay; isagana uu kasoo jeedo, wuxuuna Beesha Caalamka iyo dalalka dariska ah ugu baaqay inay marqaati ka noqdaan faro galinta Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay inay iyadu ka taliso gobolka Sool oo ku yaallo gudaha maamulkeeda, sidaa awgeedna aysan cidna uga haybaysan doonin shidaal ay ka baarto iyo howlo kale oo ay ka qaybanayso intaba.

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa ka hortimid warka kasoo baxay Puntland ee ku aaddan shidaalka laga baarayo gobolka Sool, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay waxgaradka degmada Xuddun dhawaan ka cawdeen shirkadda DNA ee shidaalka baarta.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *