Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha k/galbeed shariif ayaa sheegay iney diyaariyeen xubnaha aqalka sare

Madaxweynaha maamul-gobleedka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay inay diyaariyeen wakiillada ku matalaya maamulkiisa Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ee la dhisayo, kaddib markii guddiga doorashooyinka dadban ay sheegeen in ay dib u dhaceen soo gudbinta magacyada xubnaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in maamulkiisa uu wakhti badan ku bixiyay sidii loo diyaarin lahaa xubnaha Aqalka Sare u matalaya, isagoo xusay in dadaal badan kaddib la diyaariyay xubnaha maamulkooda matalaya. Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa intaa ku daray in xubnaha laga soo kala xulay deegaannada maamulkiisa uu ka taliyo.

Dhanka kale, Shalay ayay Guddiga Doorashooyinka Dadban war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegeen in loo baahan yahay in muddo labo maalmood ay ku soo gudbiyaan xubnaha maamul-goboleedyada Somalia ku Metelaya Aqalka sare.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa sheegay in labo maalin gudahood ay ku wareejin doonaan Guddiga Doorashada Xubnaha ku Meteli doona maamukooda Aqalka Sare ee Baralamaanka Soomaaliy

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *