Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Markaabiib shidaal sida oo Lagu Weeraray Gacanka Cumaan

Tiro shaqaale ah ayaa laga soo badbaadiyay labo markab oo kuwa saliida qaada oo qaraxyo lagu weeraray gacanta Cumaan ee Bariga dhexe.

Labada markab ayaa lagu kala magacaabaa Kokuka Courageous iyo Frot Altair, waxaana saarnaa 44 shaqaale ah, welina lama cadayn waxa sababay qaraxyada. shaqaalaha waxaa badbaadiyay ciidamada badda ee dalkaasi Iiraan

Markba Front Altair oo laga leeyahay wadanka Norway waxa uu siday 75,000 oo tan oo shidaal ah, waxaana la aamisan yahay in lagu dhuftay gantaal ama qarax miino, inkastoo aan si rasmi ah aan loo cadayn karin.

Markaabiita dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan gacanka Carabta ayaa xaqiijiyay in baaq codsi uu uga yimid maraakiibta la weeraray.

Dhacdan ayaa imaanaysa iyadoo dhowaanweerar qaraxyo lagu qaaday afar Markab oo Saliida qaada oo marayay gacanta carabta.

Wadamada Maraykanka, Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa weeraradaasi ku eedeyay dowladda Iiraan , taasi oo Iiraan ay ku gacan sayrtay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *