Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)

Kulan lagu xusayay maalinta Xuquuqda Aadanaha Adduunka ee sannadkan 2015 –ka, oo ay kasoo qayb-galeen qaar ka tirsan agaasimayaasha idaacadaha, suxufiyiin iyo xildhibaano baarlamaanka FS ka tirsan ayaa maanta lagu qabtay Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Maalinta xuquuqda Aadanaha Addduunka oo sanad walba laga xuso Caalamka oo dhan ayaa sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay, ‘Xuquuqdeena, Xorriyadaheenna, Mar Walba’ ayaa sannadkan loogu talo-galay in lagu weyneyo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Golaha Ammaanka ee QM uu ansixiyay labada qaraar ee caalamiga ah oo kala ah; xorriyada fikirka iyo tan Ururrada.

Xaflada oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA, isla markaana uu ka geystay gacan xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM ayaa looga hadlay tacadiyada ku dhaca saxaafadda, xorriyada saxaafadda, sharciga warbaahinta iyo sidoo kale la dagaallanka xad-gudubyada.

Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo sheegay in sannadkan illaa afar weriye lagu dilay Soomaaliya, kuwaasoo saddex ka mid ah lagu dilay qaraxyo kala duwan. Iyadoo la xiray 20 weriye oo ay ugu dambeeyeen Jaamac Dabaraani oo Garowe lagu xiray iyo weriyayaashii Universal TV, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad oo Muqdisho lagu xiray; halka 10-xarun oo kuwa warbaahineedna lagu xiray Soomaaliya, taasoo muujinaysa  buu yiri heerka dulqaad la’aanta warbaahinta xorta ah loo leeyahay.

Sidoo kale, xoghayaha NUSOJ Ibraahim wuxuu ka hadlay sharciga saxaafadda oo hadda baarlamaanka Somalia horyaalla, isagoo sheegay muhiimadda sharcigaani uu u leeyahay warbaahinta xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo baahida loo qabo in la helo sharci haga.

Dhanka kale, ku simaha xoghayaha guud ee SIMHA, Maxamed Barre Fiyoore oo isagana xafladda ka hadlay ayaa sheegay in maalintaan ay tahay maalin ku weyn caalamka, isagoo si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka warbaahinta gaarka loo leeyahay lasoo gudboonaada.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga saxaafadda baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan, Cabdi Xaashi C/llaahi oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in sharciga saxaafadda berri la horgeyn doono baarlamaanka Somalia, ayna tahay akhrintiisii ugu dambeeysay, guddi ahaanna ay ka go’an tahay in xorriyadda saxaafadda la ixtiraamo.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *