Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

p/l oo soo saartay xeerka lagu dhiqi doonto tacliinta sare ee p/l

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay meel marisay Xeerka lagu dhaqi doono tacliinta sare ee Puntland, kaas oo ahaa mid muhiimad gooni ah u leh waxbarashada Puntland.

wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa isku raacay xeerkan kaasoo  waxyaabaha ugu muhiimsan ka mid ah in la sameeyo gudi ka shaqeyn doona tacliinta sare ee Puntland kaas oo ka kooban Wasaaradda iyo jaamacadaha waaweyn ee dalka ka jira.

Waxa uu xeerkan meesha ka saarayaa in la iska furto Jaamacado iyo in cidii rabta ay furato ama dalka keento waxbarasho aan u qalmin tayada waxbarashada sare ee dalka, taa soo aan horay u jirin sharciyo xadidaya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xeerkan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay soo gubinta xeerkan muhiimka ah, islamarkaana uu xeerkan soo afjari doono dhibaatada tacliinta sare ee Puntland.

madaxda sare ee jaamacadaha ee  haatan ka jira Puntland ayaa dhinacooda si weyn  u soo dhaweeyay xeerkan cusub ee ay wasaaraddu  rabto iney dhaqan gelineyso.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *