Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: RW. Khayre oo Muqdisho ka Furay shirka ururka Iskaashiga Islaamka

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ka furmo, taasoo ku timid dadaalo badan oo la sameeyay, isagoo tilmaamay waxqabadkii 18-kii bilood ee la soo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC.

Shirka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Qaabilsan Arrimaha Somalia, waxaa ka qeyb galaya 15 dal oo ka kala socda dalalka Islaamka ee kala ah: Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE, Yemen.

Xubnaha 15ka dal ee ka qeyb galaya shirka Muqdisho ayaa ah xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigooda yahay Magaalada Jeddah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wufuudda ka qeyb galeysa ku soo dhoweeyay Muqidsho, isagoo sheegay inuu ku faraxasan yahay in Soomaaliya ay marti geliso shirkan oo hore uga dhici jiray dalalka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *