Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii magaalada kismaayo uga socdey beesha sade dhexdooda iyo maamulka jubbaland oo la soo geba gebeeyey

Kismaayo(Sahalnews)Shir jaraa’id oo ay galabta si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mud. Axmed Maxamed Islaam, Siyaasi  Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ka soo horjeeday iyo Wasiirka Gaashaandhiga DFS oo u kala dabqaadayey labada dhinac ayaa lagu shaaciyey xal laga gaaray khilaafkii mudada dheer soo jitamayey.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku horeeyey Shirka Jaraa’id ayaa sheegay shir dib u heshiisiin ah oo u socday beel ka mid ah beelaha Jubbalaan in uu si guul ah ku soo dhamaaday isla markaasna inta ka hartay la dhameystiri doono maal maha soo aadan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku faanay shirkan in uu ahaa mid Soomaali ay lahayd oo aysan jirin cid ajaanib ah oo ka qayb qaadaneysay una kala dabqaadeysay dhinacyadii isku hor fadhiyey, Wuxuuna is-afagardaka buuxa ee hordhaca ah ee laga gaaray shirkaan ku bogaadiyey Wasiirka Gaashaandhiga DFS Mud, Jen. Cabduqaadir Shiikh Cali Diini, oo ahaa musuulkii ugu meqaabka sareeyey masuuliyiinta Shirka Jaraa’id qabatay.

“Waxaan ugu mahad celinayaa Wasiirka doorkii taariikhiga ahaa iyo abaabulkii mudada dheer soo jiray ee uu ka sameeyey arinta manta halkaan guusheeda lagu gaaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo siweyn ugu mahadcelinayey Wasiirka Gaashaandhiga DFS.

Madaxweynaha Jubbaland, Mud. Axmed Maxamed Islaam oo amaan ugu qubeeyey Wasiirka Diini – ayaa Madaxda Soomaaliyeed ee Dawlada Fedeaalka ah ugu baaqayn in ay ku daydaan tilaabada uu sameeyey Wasiirka Gaashaandhiga DFS.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta  in uu Cabdishire maykarafoonka qabsado in uusan wax kale sheegi doonin. Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyna Axmed Islaam oo la hadlayey siyaasiyiinta ka soo horjeeday siyaasadiisa gaar ahaan  Siyaasi Cabdi Shire oo siweyn iskugu dhaw yihiin  Barre Aadan Shire [Barre Hiiraale].

Hadalka Madaxweynaha ka dib, waxaa hadalka qaatay Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku hadlayey codka Siyaasyiinta ka soo horjeeday siyaasada Jubbaland ee manta si rasmi ah ugu heshiiyey in Jubbalaan lawada yeesho. Wuxuuna ugu horeyn ka mahad celiyey sida loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo isgoona bogaadiyey shacaka reer Kismaayo.

“Sidii uu Madaxweynaha yiri, Waxaan u mahadcelinaya Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo ka qayb weyn ka qaatay dhinacyadii ku kala gedisanaa qaab dhismeedka Jubbaland iskuna dhabar jabiyey in ay isku aragti noqdaan, Isku yimaadaan ka dibna hogaanka Jubbalaan kala xaajoodaan waxa ay beeshaan ay tabaneysay. Ayuu yiri Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuuna Madaxweynaha Jubbaland oga mahadceliyey fursadii uu siyaasiyiinta oga ogolaaday in ay kuwada xaajoodaan. Wuxuuna shaashada horteed ku qiray in ay ka siyaasiyiin ahaan garawsadeen si wax wada qabsi ah in loo wada hadlo.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaashaandhiga oo oday ka ahaa wada hadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee ka socday Jubbaland ayaa isna dhankiisa ka mahad celiyey sidii logu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo isla markaasna looga qayb qaatay dhib u heshiisiinta guusha ku soo dhamaatay.

“Annigu waxaan ahay wasiirka gaashaan dhiga dalka hooyo. Ayuu yiri Wasii Diini oo hadalkiisa ku day “Difaaca dalka lama sameyn karo ilaa dadkiisu heshiiyaan.

Sikastoo tahay, Markii uu Wasiirka Gaashaandhiga hadalka dhameeyey ayaa loo dhaqaaqay in la isku marxabeeyo, iyadoo farxad buuxisay dhamaan masuuliyiinta madasha shirka jaraa’id ku wada sugnaa,waxayna la wada galay SaWir wadareed iyadoo loo wadajeestay qoraxda oo baalka sii dhiganeysay – Isla markaasna gacmahooda iswada gareen

????????????????????????????????????

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *