Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha somaliya ayaa sheegay iney baarayaan xoolihii dalka sucuudiga laga soo celiyey

Saciid Xuseen Ciid, wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaanayaan cudurada laga helay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ku bilaabeen dhamaan xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arimahaasi ay gudi u xilsaareen sidii loo baari lahaa xoolaha, wuxuuna sheegay in natiijada baaritaanka  kasoo baxdaa warbaahinta ay la wadaagi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Sacuudiga markale dib u fasaxaa xoolaha laga dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya oo dhaqaalo badan Soomaalida ka heli jireen.

Sacuudiga ayaa hakiyay xoolaha kaga imaan jiray Soomaaliya, maadaama la sheegay in cuduro laga helay xoolaha.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *